Xildhibaan cambaareeyay duqeymaha Kenya

Updated About:142 days ago

Mudane ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in uu cambaareynayo duqeymaha dowladda Kenya ay ka fuliso gobolada Jubbooyinka.

 

Xildhibaan C/raxmaan Max’ed Macalin oo ka mid ah barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu cambaareeyay duqeymaha diyaaradaha Kenya ay dhawaan ka gaysteen deegaanka Hosingow oo ka tirsan Jubbada hoose.

 

 

“Wax waliba oo dhibaato ah oo loo gaysanayo shacab ama dad rayid ah cidday doonaanba ha u gaystaanee aniga mar hore ayaan arintaasi ka hadlay waana kasoo horjeedaa, waana cambaareynaa waliba, waxaana hadda ka hor ka hadlay duqeyntii loo gaystay Magaalada Jilib oo ay dad ku dhinteen dad rayid ah” sidaasi waxa yiri Xildhibaan C/raxmaan Max’ed Macalin.

 

Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa waxaa uu beeniyay in duqeymahaasi diyaaradaha Kenya ay la beegsanayaan Al Shabaab balse waxaa uu tilmaamay in duqeymahaasi waxyeelada ugu badan ay kasoo gaarto dadka rayidka ah.

 

Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa marar badan waxa ay duqeymo xoogan ka gayteen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo ka mid ah degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka, iyadoo Kenya ay iska fogaysay in diyaaradaheeda ay duqeeyaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka  ah.

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.