Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee xilka ka qaaday gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa maanta la kulmay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay mudanayaashaan oo lagu sheegay 10 xildhibaan oo ay iska soo saareen kooxda kasoo horjeedo Shariif Xasan gudoomiyaha baarlamaanka sidi xal loogaga gaari lahaa ismari waaga ka dhexeeya mudanayaasha.
Sida ay sheegayaan wararka, kulanka ayaa kusoo dhamaaday is mari waa, waxaase madaxweynaha uu u gudbiyey fariin uu kaga waday madaxda dowlada oo aheyd in xiligaanan aan loo baahneyn qilaaf kale oo soo kala dhex gala madaxda dowlada.
13-ki bishaan ayey xildhibaano ka badan 250 mudane waxay kaga dhawaaqeen magaalada Muqdisho in ay xilki ka xayuubiyeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan.
Madaxda dowlada iyo beesha caalamka ayaa diiday qilaafkaasi, waxaana ay ku baaqeen in xildhibaanada ay ka laabtaan go,aanka xil ka qaadista dibna u bilaabaan howlhooda caadiga ahaa.