Aadan-garaaso oo eedeeyay Maamulka Dooxada Shabele

Published on January 3, 2012 by   ·   No Comments

Maamulka Ahlu Sunna ee gobolkada Hiiraan ayaa sheegay in Maleeshiyaad la
magacbaxay Maamulka Dooxada Shabelle ay dhibaato ka wadaan gobolkaasi, iyagoo
tilmaamay in halkaasi ay Shabaabku ka saareen Ciidamo Ethiopian-ah.

 

Aadan
Cabdi Ciise (Aadan-garaaso) gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Hiiraan
islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay gobolkaasi oo maanta shir jaraa’id ku
qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Xaaladda ammaan ee Magaalada
Baladweyne, isagoo ku eedeeyay Maleeshiyo uu sheegay inay isku magacaabeen
Maamulka Dooxada Shabelle inay qas iyo fowdo ka dhex wadaan
Magaaladaasi.

 

Aadan-garaaso ayaa waxaa uu sheegay in wax Maamul ah oo la yiraahdo
Dooxada Shabelle aysan ka jirin gobolka Hiiraan, hase ahaatee waxaa uu sheegay
in Maamulka Dooxada Shabelle ay isbaaro u tiilay duleedka Magaalada Baladweyne,
dadkana ay ku dhibaatayn jireen sida uu hadalka u dhigay.

 

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee Ahlu Sunna ayaa waxaa uu sheegay in
Ciidanka ka howlgalay Magaalada Baladweyne ee kasaaray Al Shabaab ay yihiin
Ciidamo Ethiopian ah, waxaana uu tilmaamay in shacabka Magaaladaasi ay diyaar u
yihiin inay la xiriiraan dowladda oo ay sameystaan Maamul ay u dhan
yihiin.

 

Ugu
dambeyn Aadan Cabdi Ciise “Aadan-garaaso” ayaa waxaa uu sheegay in
rag ka tirsan Al Shabaab oo uu xusay inay dharka badasheen ay ku sugan yihiin
Magaalada Baladweyne, dadka reer Hiiraan-na looga baahanyahay inay iska qabtaan
Al Shabaab

 

 

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.