Al Shabaab oo saakay weerartay fariisimo ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom

Published on January 4, 2012 by   ·   No Comments

Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya iyo kuwa Amisom ku leeyihiin degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid.

 

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, dagaalka oo socda qadar daqiiqado ah isla markaana la isu adeegsaday hub culus ayaa bilowday saakay aroorti, marki ay AL Shabaab weerareen aagaga hore ee ciidamada dowlada ee xaafadaha Ceymiska, SYL iyo Ex-koontarool.

 

Wararka waxay sheegayaan inuu jiro qasaaro soo kala gaaray dhinacyadi dagaalamay, balse ma jirin wax dhib ah oo kasoo gaaray dagaalka dadka rayidka ah.

 

Tan iyo marki ay Muqdisho isaga baxeen Al Shabaab bilowgi bishi August ee sanadki hore, waxaa ay ka wadeen caasimada weeraro ku dhifoo ka dhaqaaq ah iyo qaraxyo u badnaa is miidaamin kuwaasi oo ay kala soo horjeedaan dowlada KMG iyo ciidamada shisheeye.

 

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.