Ciidamada Itoobiya oo kusii siqaya degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan

Published on January 3, 2012 by   ·   No Comments

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa saakay gaaray deegaanka Garasyaani oo u dhaxeeya Baladweyne iyo Halgan.

 

Afhayeenka ciidamada dowlada ee ku sugan Baladweyne Maxamuud Nuur Cagajoof ayaa u sheegay wariyaasha in ciidankooda oo ay hor kacayaan ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay saakay gaareen Garasyaani.

 

Cagajoof ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidi ay u qabsan lahaayeen degmada Buula Barde oo ah magaalo istaraatiiji ah haatana ku suganyihiin dagaalyahanada ugu badan Al Shabaab ee gooblka Hiiraan.

 

Al shabaab ayaa la sheegayaa in ay dhaq dhaqaaq ka wadaan deegaanka Halgan oo u dhaw deegaanka Garasyaani ee ay saakay gaareen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

 

Ciidanka dowlada ee ku sugan Hiiraan iyo ciidamada Itoobiya ayaa la sheegayaa in hadafkoodu yahay in mudo 4 maalin gudahood ay ku gaaraan magaalada Jowhar oo 90-km u jirta caasimada Muqdisho.

 

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.