5-qofood ayaa lagu soo waramayaa in siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in 5-taasi ruux oo la sheegay inay ahayeen dad lagu tuhusanyahay inay xiriir la lahaayeen Al Shabaab siyaabo kala duwanna loogu dilay Magaaladaasi.
2-ka mid ah shantaasi ruux aya waxaa lagu dilay nawaaxiga Buundada Liiq-liiqato ee Magaalada Baladweyne halka 3-da kalena lagu dilay Buundada lagu magcaabo Dhagax-jebis ee Xaafadda Xabaadleey ee Magaalada Baladweyne sida ay wwarbaahinta uddalka u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka Dooxada Shabelle Kornel Isaaq Cali Cabdulle oo qadka Taleefonka kula hadlay warbaahinta gudaha dalka ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan oo kaliya 3-qof oo ay dileen Ciidamada Maamulka Dooxada Shabelle kuwaasi oo uu sheegay in looga shakisanyahay Al Shabaab.
Inta maanta Magaalada ku dhimatay waa 3, dilkaasi cidii gaysatayna gacantaan kusoo dhignay, waxayna ku xiran yihiin Saldhiga, dadka la toogtay waxay ahaayeen dad lasoo qabtay oo la tuhunsanyahay inay ahayeen Al Shabaab, anaga nadaamka iyo sharciga noo degsan ayaa wuxuu yahay in la xiro kabacdina marqaatiyaal loo raadiyo dambiilayaasha argigixisada ah markaasi kadib ayaa sharciga la waafajin karaa laakin inta lasoo qabto horay lagama toogan karo, arintaas waa qalad raalina kama nihi” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka Dooxada Shabelle.