Dagaalo culus ayaa shalay galab, xalay iyo saakay ku dhexmaray Al Shabaab iyo Ahlu Sunna deegaano ka kala tirsan gobolkada Galguduud iyo Hiiraam ee bartamaha Soomaaliya
Dagaalka hore waxa uu ka dhacay shalay galinki danbe deegaanka Bulacle oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Dhuusamareeb, waxaana uu ka danbeeyey marki ay Ahlu Sunna weerar ku qaaday fariisin ay halkaasi ku lahaayeen dagaalyahanada Al Shabaab.
Sarkaal u hadlay Al Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in dagaalka uusan ka dhicin Bulacle balse uu ka dhacay deegaan 10-km u jira Dhuusamareeb oo lagu magacaabo Beerta Siliga, waxa uu sheegay in ay ku jabeen Ahlu Sunna oo ay Al Shabaabka u yaqaanaa kooxda Mushrikiinta.
Abu Muscab ayaa tibaaxay in ay ka dileen kooxihi soo weeraray ila aiyo lix ruux oo uu sheegay in ay meydadkooda kaga carareen goobti lagu dagaalamay.
Laakin afhayeen u hadlay Ahlu Suna oo lagu magacaabo Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna oo lagu magacaabo C/laahi Axmed Samatar ayaa dagaalka ka dheegtay guulo, waxaana uu tilmaamay in Ahlu Sunna ay qabsatay tuulada Bulacle oo isku xirta Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelgaras.
Dhanka kale dagaalo ayaa xalay ku dhexmaray dagaalyanada labadaan urur ee sida aadka ah isaga soo horjeeda deegaanka Diiramaadle oo isku xira magaalooyinka Baladweyne, Matabaan iyo Maxaas.
Dagaalkaasi waxaa hor boodaya Adan Cabdulle Cawaale oo ah mas,uul sare oo ka tirsan Ahlu Sunnada Galguduud kana mid ahaa dadki ka qeybgalay dagaalki lagu qabtay magaalada Baladweyne maalin ka hor.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaana wararki ugu danbeeyey aanu saakay ka helnay ay sheegayaan in saakay mar kale uu dagaal ka bilowday deegaankaasi, waxaana go,an isgaarsiinta.