Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka oo kusoo dhamaaday dagaal iyo fowdo

Updated About:136 days ago

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale gacmaha isula tagay kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdishi.

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen mudanayaashi xilka ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka dhamaadka sanadki hore ayey ku doonayeen in ay ku doortaan gudoomiye cusub.

 

Ilaa iyo lix murashax oo isu soo taagay xilka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu waday in ay qudbado soo jeediyaan oo taariikhdooda iyo waxqabadkooda u sheegaan xildhibaanada si ay ugu qanciyaan in ay codad uga helaan, laaakin waxaa mar qura soo galay mid ka mid ah xildhibaanada taageersan gudoomiyaha baarlamaanka.

 

Xildhibaankaasi ayaa jeex jeexay buugi lagu qorayey magacyada mudanayaasha soo xaadiray waxaana halkaasi ka dhashay buuq sababay gacan ka hadalay, daqiiqado kadibna waxaa albaabka soo jabsaday xildhibaano gaaraya 25 ruux oo taageersanaa Shariif Xasan kuwaasi oo ku biiray dagaalka.

 

Marki danbana waxaa soo kala dhex galay ciidamada booliska dowlada iyo kuwa AMISOM oo kala dhex galay.

 

Xiriiriyaha doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) oo la hadlay mudanayaasha ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu xiranyahay isaga oo intaasi ku daray in ay ku qabsan doonaan shirka ay ku dooranayaan gudoomiyaha baarlamaanka meel ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Kulanka maanta ayaa kusoo beegmay xilli madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya uu xalay ku tilmaamay xil ka qaadisti gudoomiyaha baarlamaanka mid hareer marsanaa sharciga.

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.