Madaxda wasaarada Beeraha Puntland iyo Beeraleyda gobolka Bari oo Boosaaso kulan ku yeeshay

Published on January 4, 2012 by   ·   No Comments

Madaxda ugu sareysa wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland iyo dallada iskaashatooyinka beeraleyda ee gobolka Bari ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kulan ku yeeshay.

 

Kulankan ayaa daba socdey mid dhowr beri kahor ay wada qaateen madax ka tirsan wasaarada beeraha oo uu Agaasimaha guud ee wasaaradu horkacayey islamarkaana ahaa mid ay wasaarada iyo dallada beeraleydu isku xog wareysanayeen.

 

Waxaana Mas’uuliyiintii kasoo qayb galay kamid ahaa wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax, Agaasimaha guud ee wasaarada Cabdirashiid Maxamuud Siciid, iyo Isuduwaha wasaarada beeraha ee gobolka Bari Maxamuud Cabdalle Waaberi.

 

Sidoo kale waxaa kulankaas iyaguna goob joog ahaa madax ka socota Hay’ada horumarinta beeraha ee CEFA oo ay kamid ahaayeen Cismaan Hiirad Barre, Bashiir Siciid Ismaaciil, Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Maxamed Cali Maxamed, iyo Cadar Axmed Ismaaciil.

 

Ugu horeyn waxaa kulankaas ka hadlay gudoomiyaha beeraleyda gobolka Bari Axmed Maxamed Muumin wuxuuna ka warbixiyey qabkii ururka uu gudoomiyaha u yahay loo dhisay iyo weliba waxyaaba u qabsoomay mudadii 2-da bilood ahayd ee uu jirey.

 

Axmed Maxamed ayaa dhinaca kale ka codsaday wasaarada in iyada oo la kaashanaysa Hay’adaha la shaqeeya ay gacan ka geysato sidii beeralayda loogu taageeri lahaa qalab, looguna samayn lahaa tababaro xirfadooda kor loogu qaadayo si ay wax soo saarkooda u kordhiyaan.

 

 

Wasiirka beeraha iyo waraabka Eng. Maxamuud Xaaji Saalax oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa aad ugu dheeraaday sida ay wasaarada uga go’an tahay inay buuxiso kaalinteeda ku aadan tayeynta iyo kor u qaadista wax soo saarka tacabka beeraha ee Puntland.

 

 

Wuxuuna wasiirku sidoo kale ka warbixiyey safaro arintaas la xiriira oo uu dalka dibadiisa ku tegey isagoo dhinaca kale sheegay in wasaaradu ay ku guuleysatey inay suuqyo caalami ah oo loo iib geeyo usoo heshay qaar kamid ah tacabyada dalka kasoo go’a kuwaasoo ay Timirtu qayb ka tahay.

 

Eng. Maxamuud Xaaji Saalax ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay beeraleyda in ay xil iska saaraan islamarkaana ay wasaarada si joogto ah ula shaqeeyaan si waxqabad muuqda oo wax ku ool ah loola yimaado, isagoo dhanaca kale xusay in wasaaradu beeraleyda la’aantood aanay waxba qaban karin.

 

Waa markii ugu horeysey oo ay kulan noocan oo kale ah isugu yimaadaan madaxda ugu sareysa wasaarada beeraha iyo Dallada ay ku bahoobeen iskaashatooyinka beeraleyda ee gobolka Bari, waxayna arintni ka turjumeysaa sida ay wasaarada uga go’an tahay tayeynta iyo kor u qaadista wax soo saarka beeraha ee gobolka Bari iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

 

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.