Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in bilaha soosocda la ansixin doono dastuurka dalka islamarkaana lasoo dooran doono barlamaan cusub
Kadib kulan uu maanta kula qaatay magaalada Muqdisho Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas Guddiga isku dhafka ah ee dhamaystirka dastuurka dalka ayaa waxa uu sheegay in bilaha soo socda la ansixin doono dastuurka cusub ee dalka islamarkaana isbadal lagu sameyn doono barlamanka Soomaaliya.
Wasiirka dastuurka iyo arrimha federaalka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxiin Xoosh Jabriil oo faah faahin ka bixiyay kulanka ay la qaateen Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in Gudiga isku dhafka ah ay ansixin doonaan dastuurka 22-ka bisha May sida ku cad qorshe howleedka dowladda KMG.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la dhamaystiro dastuurka 15-ka May kadibna lasoo doorto barlaman cusub 15-ka bisha June, isagoo intaasi raaciyay in dowladda ay ka go’antahay in bishaasi la dhiso barlaman cusub.
Lama oga sida uu qorshahani uu ku hirgalikaro maadaama khilaaf siyaasadeed uu ka dhex taagan yahay Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya.