Wasiirkii ugu caansanaa xukumadii hore ee Farmaajo C/xakiin Xaaji Fiqi oo dalka dib ugu soo laabtay

Updated About:135 days ago

Wasiirki hore gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya C/xakiin xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib ku dhawaad lix bilood oo uu ku maqnaa dalka Mareykanka.

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho ayuu Mr.Fiqi ku sheegay in uu ku faraxsanyahay in imaanshiyahiisa ay kusoo beeganto xilli howlgalo culus ay ka socdaan dalka kaasi oo uu sheegay in dowlada ay ku dooneyso in ay ku qabsato dalka oo dhan.

 

Mr.Fiqi ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay khilaafka xoogan ee Baarlamaanka Soomaaliya oo hada u kala jabsan laba qeyb, koox taageersan Shariif Xasan Sheekh Adan afhayeenka Baarlamaanka iyo qeyb xilkii ka qaaday oo aaminsan iney ka xayuubiyeen xilkii gudoomiyenimo.

 

Fiqi ayaa ka mid ahaa wasiiradii ugu caansanaa xukumadii Ra’sulwasaarihi hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana lagu xasuustaa dib u dhiski uu ku sameeyey ciidamada milatariga dowlada.

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.