Wafdi uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray G/Gedo

Updated About:2 years ago
0

Wafdigaani oo uu hogaaminayay R/wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada KMG Soomaaliya, Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa maanta waxa ay ka degeen Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo halkaasi oo ay kusoo dhawaayeen Maamulka DKMG ee gobolka Gedo iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolkaasi.

 

 

Wasiiro dowlaha arimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyadda Xukuumada KMG, iyo taliyaha Ciidamada Xooga dalka ayaa ka mid ahaa wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga, waxaana halkaasi ay kulamo kula qaateen saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgalada ka wada gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya.

 

 

Afhayeenka Culumaaudiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xuseen Al Qaadi oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya waxa uu sheegay in soo dhaweyn kadib shir ay qaateen wafdigii uu hogaaminayay R/wasaare ku xigeenka iyo masuuliyiinta ee gobolka Gedo ay ka wada hadleen sidii loo xaqiijin lahaa amaanka gobolka islamarkaana Al Shabaab looga saaro deegaanada iyo degmooyinka kale ee ay Al Shabaab ka joogaan gobolka Gedo.

 

 

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in wafdigaasi ay ka wadahadleen sidii loo taageeri lahaa ciidamada DKMG Soomaaliya ee kusugan gobolkaasi, islamarkaana ay u heli lahaayeen mushaaraadkooda, maadaama deegaano badan oo ka mid ah gobolkaasi ay ka saareen ururka Al Shabaab.

 

 

Dhawaan ayay aheeyd markii Xildhibaano  ka tirsan Barlamanka Soomaaliya ay ku eedeeyeen Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdiwali Max’ed Cali Gaas in aysan booqasho ku tagin deegaanada iyo degmooyinka laga xoreeyay AL Shabaab ee gobolka Gedo, maadaama xukuumada ay kormeer ku sameysay Magaalooyinka, Baladweyne, Baydhabo iyo deegaano kale oo Al Shabaab laga saaray.

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.