Olombikada London: Maxaa ugu xiise badnaa xafladii furitaanka ee xalay…Warbixin.?!!

Updated About:2 years ago
0

(London) 28 July 2012 Boqollaal milyan oo qof ayaa caalamka kala socday xafladii  xalay  ee furitaanka  ciyaaraha olimbikada aduunka oo ay magaalada London markii 3-aad qaban qaabinayso tiyoo ay jirto in furitaanka oo qura ay ku baxday lacag dhan 27 milyan oo gini (42.4 milyan oo doolar).

 

Aniga ahaan waxyaabihii isoo jiitay ee cajiibka ahaa waxaa ka mid ahaa boqoradda Britain Queen Elisabeth 2-aad oo dalaayad ama baarashuud  kaga soo booday dayuurad nooca qumaatiga u kaca ah oo uu ku wehlinayay aktarka reer Ingiriis ee Daniel Craig oo ah jilaaga dufcadda ugu dambeeysa silsiladda 007 oo uu had iyo jeer jilo aktar wata magic-muuqaaaleedka James Bond.

 

Ku darsoo waloow sidoo kale lasoo bandhigay kacaankii warshadaha ee uu Ingiriisku horseedka ka ahaa qarnigii 18-aad ee wax badan ka bedeley awooda dhaqaale ee Yurub iyo caalamka misna waxaa kaloo cajiib ahayd qaabka loo shiday chucladda olombikada oo markii hore uu shidi jirey hal qof oo inta badan laga yaqaano dunida ciyaaraha olombikada balse markan waxaa loo igmaday 7 dhalinyaro oo ay soo kala magacaabeen ruug cadaayo British ah oo horay guulo uga sameeyey ciyaaraha olombikada kuwaaso  shiday dhowr shuclo oo markii dame isku noqday mid wayn oo qaxaysa (Qualdron).

Balse waxa ugu darani waxay ahayd in xafladii furitaanka oo soconeysay 4 saacadood loo jilay sidii film kaasoo uu ku fara yareeystay filim soo saaraha oscar-ka ku guulaystay ee Danny Boyle iyadoo ay wehlinayeen aktarada reer Britain ee caalamka laga qiray sida  Daniel Craig (James Bond), mualifka iyo heesaaga David Bowie, ninka maadda iyo qosolka ku caan baxay ee Rowan Atkinson (Mr Bean) iyo ninka iska leh sheekada Harry Potter oo ah Lord Voldemort.

 

Filim soo saarahan Danny Boyle oo oscar-ka ku qaatay filimka ”Slumdog Millionaire”  ayaa sameeynta xafladan cinwaan uga dhigay ‘Jasiiradihii la yaabka’ (Isles of Wonder) kaasoo uu sheegay inuu ka qalin daartay tudco ku jirey gabay uu lahaa William Shakespeare oo la rumaysan yahay in la qoray sanadii 1610-kii.

 

Xafladdii furitaanka oo kadib markii lasoo rigeeyey dhamaan dalalkii ka qaybgelayay oo mid mid meesha usoo maray kuwaasoo uu dabcan dalkeenna Soomaaliyana ka mid ahaa ayaa waxaa lasoo geliyay calanka olombikada ee ka kooban shanta riinge ee kala duwan kaasoo uu wax ka siday xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon iyadoo lagu sharfay feeryahanka muslimka ah ee reer Maraykan Muxamed Cali Clay oo aad ula ildaran cudurka laleemada ama (Alzheimers Desease).

 

Si kastaba xafladdii xalay oo farsamo ahaan iyo abaabul ahaanba heer sare ahayd ayaa waxaa ugu dambeeyntii xariga ka jartay boqoradda Britain oo si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ciyaaraha olombikadu ay furan yihiin ilaa iyo 12-ka bisha soo aadan August.

 

Ciyaaraha olombikada ama (les Jeux olympiques) ayaa ah waqcadda ciyaareed ee ugu qadiimisan caalamka iyadoo magaalada Olimpia ee dalka Giriiga lagu bilaabay qarnigii 8-aad ee Nabi Ciise (CS) kahor ilaa qarnigii 4-aad ee Nabi Ciise kadib. Iyadoo wixii ka dambeeyey 1894-kii uu gudiga olombikada caalamiga ah aasaasay Pierre de Coubertin iyadoo ciyaarahan oo  ay kasoo xaadiraan in kabadan 200 oo dal lakala qabto xagaaga iyo jiilaalka si talantaalli ah afartii sanaba mar.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.