Hogaamiyaha Al Qaida ee Maqrib oo markii ugu horeysay toos ulla hadlay Shacabka Mali

Updated About:1 year ago
0

Hogaamiyaha Al Qaida ee Maqrib-ka ee Galbeedka Afrika, ayaa markii ugu horeysay soo saaray cajalad filim ah oo uu ugu talo galay shacabka wadanka Mali.

Hogaamiyaha Al Qaida oo lagu magacaabo Abu Musaab Cabdal-Waduud ayaa ugu baaqay shacabka wadanka Mali inaysan ogolaan in ciidamo shisheeye wadankooda soo galo, asagoo sheegay in ciidamadiisa isu diyaarinayaan dagaal ay la galaan ciidamada ka socda Afrika ee la qorsheenayo in la geeyo wadanka Mali.

Hogaamiyaha Al Qaida ayaa sheegay in ay ayagu dhankooda diyaar u yihiin in ay waan waan iyo wadahadal la galaan shacabka kale ee Muslimiinta ah iyo dadka wadanka Mali, balse wuxuu sheegay in boos uusan uga banaaneyn wadamada shisheeye inay faraha lasoo galaan arrimaha wadanka Mali iyo shacabka Islaamka ah.

Wuxuu si gaar ah u dhaliiceeyey wadanka Faransiiska oo horey u gumeystay wadanka Mali hadana kamid ah wadamada balan qaaday inay bixiyaan qalabka iyo dhaqaalaha lasiinayo ciidamada Afrika ee loo dirayo Mali. Wuxuuna sheegay in wadankaasi France uu yahay kii daadin jiray dhiiga muslimiinta isla markaana aan laga filan karin wax wanaag ah, waa suu hadalka u dhigayee.

Hogaamiyaha Al Qaida ayaa sheegay inay ayagu dhankooda diyaar u yihiin inay galaan dagaal dheer oo ay uga soo horjeedaan ciidamo la keeno wadanka Mali oo hada Waqooyiga ay gacanta ku hayaan kooxaha ay gacan-saarka leeyihiin Al Qaida ee loo yaqaan Tawareqda.

Hadalka hogaamiyaha Al Qaida ayaa soo baxaya xili ay xiisada ka dhex taagan Tawareqda iyo Al Qaidada Maqribka uu sii xoogeysanayo, isla markaana Al Qaida ay hada si toos ah ulla wareegtay qeybo kamid ah magaalooyinka waqooyiga Mali oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen xoogaga Tawaareqda.

Wadamada Galbeedka Afrika ee la isku yiraaho ECOWAS ayaa ku heshiiyey in bilowga sanadka soo socda ciidamo gaaraya 3300 askari u diraan dalka Mali, si ay gacan u siiyaan ciidamada dowlada oo doonaya inay dib ulla wareegaan waqooyiga wadanka Mali.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.