Reer Galbeedka oo ku kala qeybsamey Taageerida Aqoonsiga Wadanka Falastiin

Updated About:1 year ago
0

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Golaha Loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (General Assembly) cod u qaado mooshin ay soo gudbiyeen Falastiiniyiinta oo codsaday in dhulkooda loo aqoonsado Wadan jira balse aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobay (None member State).

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa hada ku sugan magaalada New York si uu uga qeyb galo shirka maanta dhacaya ee wadamada caalamka codka ugu qaadayaan codsiga Falastiin, wuxuuna sheegay Madaxweyne Cabaas in taageero baaxadleh uu ka heysto inta badan wadamada ku bahoobay Qaramada Midoobay.

Maraykanka & Isra’iil

Wadanka Maraykanka ee taageerada xoogaleh siiya Isra’iil ayaa shalay (Arbaca) Shaaca ka qaaday inay mooshinkan MAYA u codeyn doonaan, isla markaana hor istaagi doonaan qorshaha Falastiin, ayagoo ku tilmaamay qorshahan mid caqabad ku keeni kara waan waantii Bariga dhexe.

Maamulka Isra’iil ayaa sidoo kale ku hanjabay hadii mooshinkaasi la ansixiyo inay ayaguna qaadi doonaan tilaabo ka dhan ah Falastiiniyiinta, inkastoo aysan sheegin talaabadaasi waxa ay noqon doonto.

Midowg Yurub & Falastiin

Wadamo badan oo kamid ah Midowga Yurub ayaa sheegay inay ayagu taageeri doonaan codka Falastiin oo ay HAA u codeyn doonaan, waxaana wadamadaasi kamid ah Faransiiska, Denemarka, Ireland, Malta, Portugal iyo Luxembourg.

“…Marka codka anaga nala weydiiyo waxaanu u codeyn doonaa HAA, waana taageeraynaa….” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada ee Faransiiska, Mr.Laurent Fabius.

Dhanka kale Wadanka Germany ayaa asaguna sheegay inuusan codka siin doonin mooshinkan.

Britain oo labo af ku kala hadashay

Wadanka Britain (ingiriiska) ayaa asagu labo af ku kala hadlay, wuxuuna sheegay in ay ayagu HAA u codeyn doonaan hadii Falastiiniyiinta ay balan qaadaan in aysan dacwad ka dhan ah Isra’iil u gudbin doonin Maxkamada Caalamiga ah ee The Hague, taasi oo burburin karta wadahadaladii laga dhex waday Falastiin iyo Israa’iil.

Ingiriiska ayaa sheegay in hadii ay balanqaadkaasi aysan bixin Falastiin, in uu wadanka Ingiriiska uu codbixinta ka AAMUSI doono.

Britain ayaa maalmahan u ololeynay in wadamada Midowga Yurub ka aamusaan codbixinta oo waxna codka aysan dhiibin, balse waxaa arrintan ku gacan seeray wadanka Faransiiska oo raacay dhanka Falastiin, halka Germany oo ah wadanka ugu weyn ee Midowga Yurub uu la saftay Maraykanka iyo Isra’iil.

Walaaca Maraykanka iyo Isra’iil

Walaaca iyo qeylo dhaanta ka imaaneysa Maraykanka iyo Isra’iil ayaa ah in ay ogyihiin in codka intiisa badan uu raaci doono dhanka Falastiin, maadaama codbixinta ay ka dhici doonto GOLAHA LOO DHAN YAHAY ee Qaramada Midoobay (General Assemly) oo ay ku jiraan dhamaan 193 wadan, Maraykankuna kuma laha golahan wax awood ah ama codka VETO, sida Golaha Amaanka oo kale.

Maraykanka ayaa HAL cod oo kaliya kuleh Golaha (General Assemly) ayadoo inta badan wadamada xubnaha ka ah Golahan oo u badan Dunnida Sadexaad ay taageero u hayaan shacabka Falastiin.

Hadii Falastiin codka uu raaco, waxaa bilaaban doonta taariikh cusub oo uu wadanka Falastiin galayo, isla markaana awood u yeelan karo inuu Maxkamad Caalamiga ah u gudbiyo maamulka Isra’iil ee dhulkooda xooga ku heysta, arrintaasi oo ay si weyn u diidan yihiin wadamadii gacanta ku lahaa aasaaskii maamulka Isra’iil ee Ingiriiska (Britain) iyo Maraykanka.

 

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.