Madaxweynaha dalka Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa maalinimadii shalay (Arbaca) soo saaray wareegtooyin uu xilalka uga xayuubinayo dhamaan Saraakiishii sar sare ee militariga dalkaasi oo horey ulla shaqeyn jiray Madaxweynihii xilka laga wareejiyey ee Cali Cabdallah Saalax.
Wareegtooyinkan ayaa qeyb ka ah qorshe cusub oo uu dib u habeyn ugu sameenayo Madaxweyne Hadi dhamaan qeybaha kala gedisan ee Militariga dalkaasi Yemen.
Wareegtooyinka soo baxay ayaa waxaa kamid ahaa:
1- Kala dirida dhamaan ciidamada Jamhuuriga oo uu Taliye u ahaa Generaal Ahmed oo ah wiil uu dhalay Madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax
2- Kala dirida Guurta Tiknikada ee uu hogaamin jiray Generaal Cali Muxsin oo asagu xilkii kacdoonka kasoo horjeestay Cali Cabdallah Saalax.
3- Waxaa sidoo kale xilalka laga xayuubiyey 8 Jeneraal oo uu kamid yahay Generaal Mohamed oo la dhashay Madaxweyinihii hore ee dalkaasi.
Tilaabooyinka ayaa qeyb ka ah dib u heshiisiinta laga bilaabay dalkaasi Yemen, waxaana go’ aamadan Madaxweynaha Yemen ku dhiiri geliyey Wadamada Beesha Caalamka oo sheegay inay taageero buuxda siinayaan.
Maalinimadii Jimcihii lasoo dhaafay ayey mudaharaadyo balaaran ka dhaceen dalka Yemen, shacabka ayaa ku baaqayay in si deg deg leh isbedal loogu sameeyo maamulka iyo Taliyeyaasha ciidamada.
Madaxweynihii hore ee xilka laga tuuray muddo sanad laga joogo ee Cali Cabdallah Saalax ayaa asagu la sheegay inuu weli faraha kula jiro arrimaha maamulka, isla markaana ay weli si dadban uga amar qaataan Taliyeyaasha hada xilalka laga xayuubiyey.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xili ay shirar wadaan Guddi Heer Qaran ah oo ka qeyb qaadanaya xalinta dhibaatooyinkii ka dhacay dalka Yemen xiligii uu socday kacdoonkii looga soo horjeeday Cali Cabdallah Saalax, guddigan ayaa sidoo kale horey ugu baaqay in isku shaandheyn lagu sameeyo unugyada militariga dalkaasi.