Messi Oo Taariikh Cusub Buuga Ku Qoray

Updated About:1 year ago
0

Xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa jebiyey derjadii u xirneyd Gerd Mueller muddo 40 sano ah.

Lionel Messi ayaa dhigey record cusub oo dhanka goolasha sanadlaha ah kadib markii uu dhaliyey sanadkan 2012 86 gool, maalintii shalay (Axad) ayuu dhaafey weeraryahankii dalka Jarmalka Gerd Mueller oo isagu 1972 dhaliyey 85 Gool, kadib markii Bercolan 2-1 uga adkaatey kooxda Real Betis, waana goolashii u badnaa ee abid uu sanad gudaheed dhaliyo ciyaaryahan.

Lionel Messi oo labadii sano ee u danbeysey noqdey laacibka dunida ugu wanaagsan ayeysan muuqan 25 jirkan cid weli booska ka riixan karta.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.