Qarax qasaaro gaystay oo ciidamada NATO lagula eegtay Afganistan

Updated About:1 year ago
0

Wararka ka’imaanaya wadanka Afganistan ayaa sheegaya in saakay aroortii dhowr qarax oo xoogan laga maqlayay saldhigyo ay ciidamada NATO ku leeyhihiin bariga wadankaas.

Afhayeen uhadlay ururka Daalibaan ayaa sheegtay in weeraradaas ay iyagu ka danbeeyeen islamarkaasna ay labeegsadeen garoonka diyaradaha ee magaalada Jala-labaad saacadu markeey ahayd 6:00 oo subaxnimo.

Sidokale afhayeenkan uhadlay Daalibaan waxa uu shegay in ciidamadooda ay gudaha ugaleen magaalada halkaasna uu kadhacay iska hor’imaad udhaxeeya labada dhinac, lakin majirto ila kamadax banan oo xaqiijinaya sheegashada afhayeenkan uhadlay daalibaan.

Sarkaal uhalday ciidamada Booliska Jala-labad ayaa sheegay in ay arkeen meeydadka ilaa 10 ruux oo u labisan sida askarta, meydadkan ayuu sheegay ineey yalaan saldhiga la weeraray gudihiisa.

Ilaa iyo hada lama garanayo meydadkaan ineey katirsanyihiin ciidamada Afgaanistan amaba ineey yihiin kuwii weerarka soo qaaday oo usoo labistay sida ciidamada.

Dadka deegaanka oolahadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay maqlayeen ilaa afar qarax oo banbaanooyinka gacanta laga tuuro ah.

Sidoo kale waxay sheegeen dadka deegaanka ineey arkayeen diyaradaha qumaatiga ukaca ee NATO kuwaasoo duqeeynayay kooxaha weerarka soo qaaday.

Afhayeen uhadlay ciidamada NATO aya sheegay in dhankooda aysan soo gaarin wax qasaaro ah.

Ciidamada NATO ayaa Afganistaan waxa hada kaga sugan 130,000 oo askari, waxana lagu wadaa ineey wadankaas isaga baxaan dabayaaqada sanadka 2014-ka.

Gaashaanbuurta NATO aya hada bilaabeen in si tartiib tartiib ah amaanka wadanka Afgansitaan ugu wareejiyan ciidamada doowlada kahor inta aysan kabixin wadankas sanada 2014-ka.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.