Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo Garowe lagu diley

Updated About:1 year ago
0

Waxaa fiidnimadii xalay bartamaha magaalada Garowe lagu diley rabbi ha u naxariistee Cabdullaahi Xuseen – Gaal-dile oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Puntland.

Marka la dilaayo Gaal-dile waxa uu ka soo baxay goob farmashi ah oo uu ka adeegtey. Sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobta ka dhawaa waxaa dilka fuliyey hal nin oo ku hubeysnaa baastoolad.

Cabdullaahi Xuseen ayaa ka mid ahaa ciidankii hore ee Soomaaliya, waxaana Dawladdii markii ay dhacdey 1990 uu ku sugnaa gudaha magaalada Garowe isaga oo aan ka mid noqon sida sarakiishii kale ee Soomaaliya ee ka soo jeeday gobolada Koonfureed kuwaas oo dib ugu noqdey goboladoodi, waxaana uu ahaa nin si weyn looga yaqaan magaalada Garowe.

Ciidanka amaanka ee Garowe ayaa wada baaritaano ku aadan dilka Gaal-dile.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.