Sida loo isticmaalo lacagaha la siiyo ururada Soomaalida ah ee mashaariicda ka wada dalka Soomaaliya gudihiisa oo welwel laga muujiyay

Updated About:181 days ago
0

Xisaabxirkii qaar ka mid ah ururada Soomaalida ee mashaariicda ka wada dalka Soomaliya gudihiisa ayaa lagu soo waramayaa in wax badan ay ka khaldan yihiin.

Sida laga soo xigtay qaybta xisaab hubinta ee wasaaradda arimaha dibadda, illaa lix urur oo ka mid ah ururadaas  risiidada ama xisaab xirka ay soo celiyeen waxaay isugu jiraan kuwo wax ka maqan yihiin iyo kuwo ay iyagu nafsad ahaantooda sameeyeen oo aan sax ahayn.

Sidoo kale ururada ay wadashaqayntu ka dhaxayso kuwan ee Soomaliya jooga ayaa aanay cadayn qaabka ay lacagaha u isticmaalaan. Qaar ka mid ah ururadaasi waxaa ay u baxeen safaro dhaadheer oo howl soo hubin ah, hase yeeshee wax cadayn rasmi ah ama wax qancin karta kama aanay soo bixin shaqadooda.

Wasaaradda arimaha dibadda ayaa waxaa ay siisay lixdaas urur ee Soomaalida lacago mashaariic horumarineed oo lagu qiyaasay 400 000 Euro intii u dhaxaysay sannadihii 2008-2010.

Matti lähtinen oo ah hantidhowre oo ka tirsan qaybta mashaariicda ee wasaaradda arimaha dibadda ayaa sheegay in wasaaraddu ay bilowga sannadka cusub soo saari doonto qaab si dheeraad ah looga dalabayo caddaymo kale ururadaas ay fartu ku godan tahay.

Qaar ka mid ah ururadaas laga doonayo cadaymaha dheeraadka ahna illaa hadda wax mashaariic ah looma ogalaan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta shaqada  Heidi Hautala  uma aragto iyadu in wax dhib ah oo weyni uu ka jiro caawinta ururada dadka waddankan u soo guuray, waxayna sheegtay in wasaaraddu ay sii wadi doonto caawinta ururada.

Ururka Golis oo ah urur ay  asaaseen dad Soomaaliyeed oo wadankan u soo guuray waxaa uu tobankii sano ee ugu danbeeyay ka waday mashaariic iskuul dhisitaan ah magaalada Hargeisa ee Somaliland. Wasaaradda arimaha dibaduna waxaa ay ku bixisay mashaaricdaas dhisitaanka iskuulada lacag gaaraysa 75 000 Euro intii u dhaxaysay 2008-2010.

Qolada hubisa xisaab xirada sida ay sheegeen sannadkii hore hubaal ma aha in lacagtaasi loo  wada isticmaalay sidii loogu talagalay ,waayo xisaabxirkii la soo celiyay wax badan ayaa ka dhiman.

Sidoo kale mushaarka howlwadeenada  iskuulku waa uu ka badan mushaarka ay qaataan howlwadeenada iskuulada kale ee u dhigma isaga. Gudoomiye ku xigeenka ururuka ayaa waxaa uu Soomaaliya u tagay safar shaqo hubin ah oo qaatay 4-5 bilood.

Huseen Ali Mohamed oo aha gudoomiye ku xigeenka ururka intii uu mashruucaasi socday wuxuu sheegay in ururku uu u gudbiyay wasaradda arimaha dibadda dhamaanba risiidadii ay ka codsatay wasaaraddu. Sida Maxamed uu sheegay, dhibaatada ugu weyni waxaa ay tahay iyadoon Soomaaliya mar kasta laga heleyn wax risiid ah. ” Lacagta waxaa loo isticmaalay si  sax ah”, waase in aanu mar  kastaba hagaajino qaababka aanu u smayno xisaabxirrada.

Sida Mohamed sheegay lacagaha mushaarka ee badani waxaa macnaheedu uu yahay in macallimiintaasi qaata mushaarka dheeraadka ah ay wax dhigaan labada gelinba. Safarka dheer ee shaqo hubinta ah ee uu ku maqnaana, waxaa uu sheegay in ay qabsatay xaalada ah daryeelida hooyadiis oo muddo dheer si aad ah u xanuunsanayd.

 Gudoomiyaha ururka Sahed Said Aden wuxuu sheegay in ururada yar-yar ee sida iskaa wax u qabsada ah uga shaqeeya goobaha ay xaaladaha cakiran ka jiraan aan laga sugu Karin xisaab xir la mid ah sida kuwa ururada waaweyn, taasna waxay dhabar jab ku noqonaysaa sistamka wadanka oo aan kala lahayn shirkad yar iyo mid wayn uu yahay xisabxirku mid iskuwada mid ah oo haba yaraatee aan aqoon kanaa dhaqaale badan iyo kanaa dhaqaale yar.

Ururka sahed waxaa uu magaalada guriceel ka dhisay xarun caafimaad oo yar, taasoo lagu dhisay kaalmada ama caawimaada wasaarada arimaha dibada.  Sida ay sheegeen xisaab hubiyayaashu waxaa jirta in ururradaasi la shaqeeya ururka ay iyagu samaysteen raisiidyo la habeeyay oo ku saabsan bansiin, baabuur samayn iyo korontoba.

Said waxaa uu yiri : waa in hadda dhamaanba rasiidyadaasi ay ahaadaan kuwo ku dhisan nidaam sax ah.

Matti lähtinen oo ah hantidhowre ka tirsan wasaarada arimaha dibada waxaa uu yiri waa in marka xisaabxirka la samaynayo xoogga la saaraa sida ay mashaariicdaasi u hirgaleen.

 Husein Ali  waxaa uu shegay in ururka Golis uu mashruuciisu hirglaiyay inuu fursad waxbarasho siiyo caruur agoon iyo sabool ahba.

Said Aden-na waxaa uu sheegay in ururka sahed uu yahay ururka kaliya ee ka sameeya howlo caafimaad goobaha uu dagaalku baa’biyay.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.