Turkiga iyo Ruushka oo ku heshiin waayey qaabkii loo waji lahaa Siiriya

Updated About:1 year ago
0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maalinimadii shalay booqasho ku tagay magaalada Istanbuul, asagoo xukuumada Turkiga kala hadlay xiriirka labada dal iyo waliba xiisada ka taagan wadanka Siiriya.

Putin oo kulan dheer la yeeshay Raysalwasaaraha dalka Turkiga Tayyib Erdogan ayaa sheegay in labada dal ee Ruushka iyo Turkiga sii xoojin doonaan iskaashiga dhanka Ganacsiga.

Balse labada hogaamiye ayaa ku heshiin waayey qaabkii ay u wajihi lahaayeen xiisada ka taagan dalka Siiriya.

Dowlada Turkiga ayaa ka codsatay xukuumada Ruushka inay joojiso taageerada ay siineyso hogaamiyaha dalka Siiriya ee Bashaar Al Assad.

Hase yeeshee Vladimir Putin ayaa iska fogeeyey in dowladiisa ay taageero gaar ah siiso xukuumada Bashaar Al assad asagoo sheegay in xukuumadiisa Ruushka ay ka wel welsan tahay in khaladaadkii hore ee wadamada reer Galbeedka sameeyeen inay faraha la galaan.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ka digay qorshaha Dowlada Turkiga ay wado ee Gantaalada meesha fog wax ka dila ee (Patriot) ay geyso xaduuda ay la wadaagto dalka Siiriya, qorshahaasi oo ay dowlada Turkiga u gudbisay isbaheysiga NATO oo ay xubin ka tahay.

Ruushka ayaa sheegay in arrintan ay keeni karto xiisad u dhaxeysa Turkiga iyo Siiriya inay sii xoogeysato isla markaana ay arrintan soo galaan isbaheysiga Turkiga ee NATO.

Inkastoo labada dhinac si weyn ay ugu kala aragti duwan yihiin arrimaha Siiriya, hadana labada wadan ayaa shalay (Isniin) wada saxiixday heshiisyo cusub oo dhanka Ganacsiga ah iyo waliba in labada dowladooda Wasaaradahooda arrimaha dibada ay ka wada shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa arrimaha dalka Siiriya.

Dowlada Turkiga ayaa u saxiixday Ruushka in ay gacan kasiiyaan dhismaha Warshadii ugu horeysay oo Nukiliyeer ah oo uu yeelan doono dalka Ruushka, mashruucaasi oo ay fulin doonto shirkad laga leeyahay dalka Ruushka, waxaana ku kacaya 22 Bilyan oo dollar. Warshadan ayaa dhismaheeda la filayaa inuu dhamaado sanadka 2022-ka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.