Danjire Cabdi Ibraahim Absiye iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayay waxaana uu ugu horayn kormeerkiisa ka bilaabay
wasaarada arimaha dibada iyo qaybaheeda kala duwan isagoona la kulmay wasiirka horumarinta caalamiga ee dawlada finland Heidi hautala oo ay iyana kawada hadleen sidii lo horumarin lahaa iskaashiga labada dal ee jabuuti iyo Finland.
Waxaa kaloo uu ugudbay xarunta Madaxtooyada oo aan sidaa uga fogayn xarunta wasaarada arimaha Dibada iyadoo wadooyinka la xidhay oo ay amaanka ilaalinayeen ciidanka Pooliska Finland
Danjire Cabdi ibraahin waxaa uu xiligaasina ugudbinayay waraaqihii aqoonsigiisa ee Danjira nimo ee Dalka Finland Madaxwaynaha Dalka Finland Mudane Sauni Niinisto oo ka dhacday Aqalka Madax tooyada oo uu salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada ee wadanka Finland iyadoo ka dhacday Afaafka hore ee Madaxtooyada Finland.
Danjiruhu salaanta Ciidamada Kadib waxa uu udhaadhacay Xarunta Madaxtooyada oo ay isku qaabileen Madaxwaynaha Dalka Finland Madaxwayne Sauni Niinistö isagoona salaan uga waday Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar Geele Iyo shacabka reer jabuuti
Isbarashada Kadib waxa uu ugudbiyay waraaqihiisi aqoonsi ee danjiranimo ka dibna waxay ugudbeen sidii loo sii taaba galinlahaa iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii hormarinlahaa.
Waxayna ku dhamaatay jawi aad uwanaagsan.
Waxaa kaloo uu la kulmay bulshada reer Jabuuti ee degan Dalka Finland Iyo Bulshada Soomaaliyeed ee reer Finland oo uu kulan balaadhan la qaatay waxayna u dhacday si wanaagsan iyadoo ay ka soo qaybgaleen aqoonyahano,dhalin yaro, haween iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana ka hadlay Gudoomiayaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland Said Carshe wuxuuna ka hadlay soomaalida dagan finland iyo sida ay wax uga qabsadeen dalkan iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in safaarad Soomaaliyeed oo ay lee dahay Dawlada Jabuuti, waxaa kaloo hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Jabuuti Maxamed Bulux (Jabuuti) waxa uu kahadlay jaaliyada jabuuti iyo sida ay ula qabsadeen dalkan iyo buug uu qoray oo uu uqray madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar geele iyo waxqabadkii uu uqabtay shacabka jabuuti iyo dalka jabuuti ,
waxaaa isna ka hadlay aqoonyahan Cabdiqani Ducaale oo ka hadlay soomaalida dalkan iyo sida ay wsaxbarashada ku8 yihiin iyo dhibaatadii ka soo qabsatay taa soo ahayd mid baaxadwayn gabagabadii shirkana waxaa soo gabagabeeyay oo lagu soo dhaweeyay Danjiraha wadamada Ruushka iyo Ugraaniya iyo Finland ufadhindoona dalka Jabuuti Danjire Cabdi Ibraahim Absiye isagoo qudbadyar oo gaaban oo uu kaga sheekeeyay halka ay jabuuti marayso iyo intii uu madaxwaynaha talada haya ay maraysay markii uu qabtay iyo waxa ay qaban doonto safaaradiisa wuuna umahad celiyay Soomaalidii jabuuti iyo Soomaalidii kale ee ka soo qaybgashay .
Waxayna ku soo dhamaatay jawiy aad uwanaagsan