55 qof oo ku dhimatey Afduubkii ka dhacay dalka Aljeeriya

Updated About:1 year ago
0

Wasiirka Isgaarsiinta ee dalka Aljeeriya ayaa sheegay in dhimashadii ka dhacdey shaqaalihii afduubka loogu haystey goob ay ka shaqeyneyeen oo Gaaska lga qodo, Bariga dalka Aljeeriya ay tahay mid kor uga sii kici karta inta ay hadda tahay maadaama ay jiraan dad aan la hayn nolol iyo geeri.

Dhimashada ayaa hadda maraysa 23 qof oo kamid ah shaqaalihii afduubka loo haystey iyo 32 nin oo ahaa kooxdii weerarka geystey kuwaas oo aan midna ka baxsan oo goobta lagu diley dhamaantood, sida warbaahinta dalka Aljeeriya sheegtey.

Kooxda weerarka soo qaadey ayaa qabsatey gooobta Gaaska laga soosaaro ee In AMENAS, Bariga dalka Aljeeriya, waxaana ay afduub u qabsadeen 685 qof oo ka shaqeynayey halkaas kuwaas oo 107 kamid ah ay ahaayeen ajaanib.

Ilaa iminka waxaan lahayn halka ay ku sugan yihiin nolol iyo geeri 5 qof oo u dhashey dalka Norway kuwaas oo u shaqeynaayey Shirkadda Stat-oil ee laga leeyahay dalka Norway iyo 17 kale oo u shaqeynayey shirkadd laga lee yahay dalka Japan.

Raysalwasaaraha Britain David Cameron ayaa xaqiijiyey in dadka dhintey ay ku jiraan saddex qof oo u dhashey dalka Britain.

Kooxda ”Masked Brigade” ayaa afduuka bilaabey maalintii Arbacada 16/01/2013 , waxaana ciidamada Aljeeriya isla maalintii xigtey ee Khamiista uga jawaabeen weerar aan kala go lahayn taas oo dalalka reer Galbeedku ay ku dhaliileen, inkasta oo Aljeeriya hawlgalada caynkan oo kale ah ay caan ku tahay isla markaana aysan oggolaan farogelin shisheeye, waxaana ay gacan bir ah isaga qabteen kacdoonkii Islaamiyiinta ee sanadihii Sagaashamaadka kaas oo dhiig badan ku daatey.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.