Kenya oo bilaabeysa Raafka Soomaalida Islii oo loo rarayo Xerada Dhadhaab

Updated About:1 year ago
0

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Kenya Mwi Kibaki ayaa amar lagu siiyey dowlada iyo ciidamada Kenya inay bilaabaan aruurinta ama raafka qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii.

Qoraalkan kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha 16kii bishan Janaayo ayaa lagu sheegay in beri oo ku beegan 21ka Janaayo hawlgalkan la bilaabi doono, iyadoo ciidamada Kenya aruurin doonaan Soomaalida ku sugan xaafadda Islii ee aan sharciga heysan. Hawlgalkan ayaa loogu magacdaray (Relocation of Uran Refugees to Officially Designated Camps) Dib u rarida Qaxootiga Magaalooyinka ku dhaqan oo loo wareejinayo Xeryaha loogu talo galay.

Dadka ayaa la qorsheeyey in la isugu geeyo marka hore Istaadiyumka Thika Municipal Staduim, kadibna gaadiid lagu qaado oo loo raro xerada Qaxootiga ee Dhadhaab. Qorshahan ayaa waxaa si weyn udhaliilay qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka Kenya.

Faarax Maalim oo shalay shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in arrintan ay tahay fal cunsurinimo ah isla markaana hay’adaha amaanka Qaarkood ay caado ka dhigteen in ay Soomaalida u bartilmaamsadaan si ay dhaqaale uga sameeyeen, wuxuuna sheegay in ay hay’adaha sirdoonka hawshooda kasoo bixi waayeen oo ay eeda uun dusha ka saaraan dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in dhibaato weyn lala damacsan yahay.

 

Soomaalidaan Aruurineynaa, waa hadal fool xun Dadka maaha in sidii XAYAWAANKII la yiraaho waanu aruurineynaa, dadka waxaa ku jira dad badan oo si sharci ah Qaxootinimo ku jooga dalka, qaarkoodna Ganacsi baaxadleh ayey ku leeyihiin dalka, waxayna horumar badan ka geysteen dhaqaalaha dalka Kenya….” ayuu yiri Farah Maalim oo kamid ah Xildhibaanka Kenya ahna Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka.

Doorashooyinka Maarso 2013

Xildhibaanada Soomaalida ee ku jira Baarlamaanka ayaa sheegay in ololahan Soomaalida lagu bartilmaamsanayo uu qeyb ka yahay diyaargarowga Doorashada dalka Kenya oo lagu wado inay dhacdo bisha Maarso ee sanadkan 2013.

Xildhibaanada ayaa sheegay in dowlada ay dooneyso inay Soomaalida ka baacsato magaalooyinka waaweyn si aysan ugu codeyn musharaxiinta Qaarkood.

Haaruun Maxamed Yusuf oo kamid ah siyaasiyiinta shirka Jaraa’iid qabtay ayaa shaki geliyey xili lagu soo beegay hawlgalkan lala beegsanayo Soomaalida. Wuxuuna sheegay in xiligan Baarlamaanka la kala diray isla markaana aysan Xildhibaanada Soomaalida u heli karin fursad inay arrintan uga doodaan Aqalka Baarlamaanka.

Magaalooyinka dalka Kenya gaar ahaan Nairobi iyo Mombasa ayey bilihii lasoo dhaafay ka dhacayeen weeraro aan la aqoon kooxaha ka danbeeya, balse dowlada ay ku eedaysay inay ka danbeeyaan kooxda Al Shabaab, waxaana horey xabsiyada lagu xiray dad badan oo Soomaali ah oo aan iyagu wax danbi ah lagu helin.

Waxaa sidoo kale jiray weeraro lala beegsaday goobaha Ganacsiga iyo Masaajidada Soomaalida oo ay Soomaali badan dhimasho iyo dhaawacyo kasoo gaareen.

Go’aanka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Kenya Kibaki ayaa kusoo beegmaya xili dhawr todobaad laga joogo markuu dalka Kenya safarkak u yimid Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa asagu sheegay inay doonayaanin dadka loo soo cesho balse, ay diidan yihiin in si jahwareer ah dadka Qaxootiga Soomaalida ah dib loogu soo cesho.

Qorshaha Kenya hada wado ayaa cabsi weyn ku abuurtay shacabka Soomaalida ah ee ku sugan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo caawa cabsi ku seexanaya, manaca cada hawlgalka balaaran intuu socon doono.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.