Shir looga hadlaayo ka hortegida dabargoynta dhirta oo Istanbul ka furmaya

Updated About:1 year ago
0

C/Risaaq Cumar maxamed wasiirka kheyraadka Dalka oo maanta ka duulay Garoonka aaden cadde ee Muqdisho ayaa kusii jeeda Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si uu uga qeybgalo kulan looga arrinsanayo sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta iyo baa’inta Deegaanka kaasoo la filayo in Maalinta Berito uu ka furmo magaalada Istanbul.

Wasiirka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi oo ay martigelinayso Dowladda Turkiga waxaana kasoo qeybgalaya in ka badan 26 Dowladood oo Soomaaliya iyo Dowladaha kale ee xaalufinta dhirta ka jirto loogu deeqayo dhaqaale lagu taageerayo sida loo dhammeyn lahaa dhibaateynta Deegaanka.

Dhanka kale Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Fiqi oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibadda iyo Taliyaha Xoogga Dalka ayaa maanta kusoo noqdey Caasimadda isagoo saxaafadda u sheegay in Magaalada Ankara uu kaga soo qeybgalay shir muhiim ah oo lagu taageerayay qorshaha lagu dhisayo Ciidamada qalabka Sida ee Somalia.

Shirkaasi ayuu sheegay wasiirku in lagu go’aamiyay in sida ugu dhaqsaha badan Soomaaliya loogu dhiso ciidamo leh awood baaxad weyn oo la wareegi kara ammaanka dalka muddo 3 sano ah gudahood.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.