Booliiska Minneapolis oo baaritaan ku sameenaya rabshado ka dhacay Iskuulada oo la xariira Arday Soomaali ah

Updated About:1 year ago
0

Booliiska magaalada Minneapolis ee xarunta gobalka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaan ku sameenayaan rabshado ka dhacay mid kamid ah iskuulada ugu waaweyn magaalada oo todobaadkii hore ay gacanta isula tageen arday Soomaali ah iyo kuwo kale oo dhigta Iskuulkaasi.

 

Taliyaha Booliiska Minneapolis Chief Janee Harteau

Taliyaha Booliiska Minneapolis Chief Janee Harteau [Sawirka: Minnesota Public Radio]

Rabshadaha ayaa bilowday Khamiistii hore kadib markii ay gacanta isula tageen in ka badan 300 oo dhigta Iskuulka South High ee magaalada Minneapolis, halkaasi oo ay dhigtaan arday badan oo Soomaali ah.

 

Ardayda Soomaalida ayaa ku eedeeyey maamulka Iskuulka iyo Ciidamada Booliiska inay wax ka qaban waayeen daandaansi joogto ah iyo weliba weeraro ay kala kulmaan ardayda kale ee dhigata Iskuulkaasi. Ardayda Soomaalida ayaa sheegay in si weyn loo cunsiriyeeyo.

Southhighdagaal1
Southhighdagaal2
Southhighdagaal3
Southhighdagaal4
Southhighdagaal5

Arrintan ayaa faraha ka baxday kadib markii Khamiistii lasoo dhaafay uu dagaal balaaran ka dhacay gudaha Iskuulka waxaan dagaalkaasi gacanta la iskula tagay ku dhaawacmay afar qof oo ay ku jirto macalimad.

Ardayda iyo Waalidiinta Soomaalida ayaa ku eedeeyey ciidamada Booliiska oo loogu yeeray inay joojiyaan dagaalka ka dhacay iskuulkaasi inay adeegsadeen awood ku talaxtag ah kadib markii ay u hanjabeen ardaydii Soomaalida oo qaarkooda la sheegay in indhaha looga buufiyey sunta dadka ka ilmeysiisa.

Soomaalida ayaa si weyn uga cawday qaabkii ay u dhaqmeen ciidamada Booliiska iyo waliba maamulka Iskuulka oo ay ku eedeeyeen inay wax ka qaban waayeen falalka ka dhanka ah ardayda Soomaalida.

Taliyaha Booliiska Minneapolis Chief Janee Harteau ayaa sheegtay in ay furtay baaritaan ku aadan cabashada Soomaalida, Waxayna sheegtay in ay si weyn u qiimeenayaan xiriirka wadashaqeyn ee ka dhaxeeya Booliiska iyo Soomaalida ku dhaqan Minneapolis, isla markaana la baari doono Askarta hadii ay geysteen falal ka baxsan sharciga.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.