Gaadiidka AMISOM oo jiiray sarkaal ka tirsan ciidanka Soomaaliya

Updated About:1 year ago
0

Kolnyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ayaa ku jiirey jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho sarkaal ka tirsan ciidanka Soomaaliya. Sarkaalka ayaa la sheegay in uu isla goobtii ku nafbaxay, waxaana halkaas ka soo qaadey isla gawaaridii jiirtey.

 

Sarkaalka gawaaridu dusha ka mareen oo sida la sheegay si kedis ah jidka ugu soo baxay ayaa magicisiisa lagu sheegay Cabdisalaam Shiikh Maxamuud. Gawaarida jiirtey ayaa la sheegey in ay wateen ciidamada dalka Burundi ka jooga Soomaaliya.

 

Ciidamada AMISOM ayaa markii ay safar ku jiraan ama marayaan jidadka looga shakiyo in al-Shabaab dhexda u geli karo waxay kuwadaan xawli xad dhaaf ah, waxaana sidaan oo kale horey ugu jiireen dad iyo xoolo.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.