Maxkamada Ciidamada oo dil ku fulisay Askar ka tirsan Ciidamada Federaalka

Updated About:1 year ago
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho xukun dil ah lagu fuliyey sadex kamid ah ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo loo heysto inay geysteen dilal iyo dhac.

 
Sadexda Askari ayaa saaka lagu toogtay xarunta Iskuulo Boolisiya ee magaalada Muqdisho, waxaana qisaasida askarta usoo daawasho tagay xubno kamid ah maamulka gobalka Banaadir, maxkamada ciidamada, saraakiil ka tirsan ciidamada iyo waliba dadweyne badan.

 
Sadexda askari ee la dilay ayaa mid kamid ah la sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan ciidamada qalabka sida oo loo heysto inuu geystay dil.

 
Xukunkan ayaa lagu soo beegay wakhti dowlada Federaalka Soomaaliya cadaadis uga imaanayo Beesha Caalamka, cadaadiskaasi oo salka ku haya in dowlada wax ka qabato falalka ay geystaan ciidamada dowlada ee ka dhanka ah shacabka.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.