Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo lagu aasey Qubuuraha Kheyr seexay ee Garowe

Updated About:1 year ago
0

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Garowe aaska Shiikh al-Waalid Cabdulqaadir Nuur Faarax oo kamid ahaa culimada ugu waaweyn dalka Soomaaliya muddo ka badan 50 sano ku dhexjirey faafinta diinta Islaamka. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax waxaa diley Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac Bile Yusuf oo sida la sheegay horey ugu diley Laas-caanood weriye iyo nin ka tirsanaa Golaha deegaanka sida la sheegay. Shiikha ayaa la diley isaga oo ku jira Salaaddii casar ka soo kacay Rukuuc madaxa ayuuna ka toogtey, Shiikha ayaa isla goobtaas ku nafbaxay, waxana lagu guulesytey in la qabto kii dilka fuliyey.

Aaska Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax waxaa ka soo qaybgalay dad gaaraya kun qof ama ka badan, waxaa ciriir noqdey banaankii weynaa ee Shiikha lagu tukanaayey Jinaasadda, waxaa ka mid ahaa dadka ka soo qaybgalay Madaxda Puntland oo uu u horreeyo Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Wefdi ka socda Dowladda federaalka oo heer wasiiro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha &N Amniga, Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ay kala hoggaaminayeen Shiikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Shiikh Bashiir Axmed Salaad. Magaalada Hargeysa waxaa ka yimid wufuud ay hoggaaminayaan culimadda Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo Shiikh Yusuf, Magaalooyinka Laascaanood, Bosaso, Qardho, Gaalkacyo, Galodogob iyo meelo kala geddisan oo kale ayaa la isaga yimid.

Salaadii janaasadda ayaa lagu tukadey meel garoon weyn ah oo dadka wada qaadi kartey, waxaa dadkii halkaas janaasada u tegay oo ku dhawaa kun qof ama ka badnaa tujiyey Shiikh Maxamed Xaaji Yusuf oo kamid ah culimada Garowe, kadib waxaa khudbaddo ka jeediyey:

Dhanka siyaasiyiinta:

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole
Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdikariim Guuleed

Isimada:

Boqor Burhaan Boqor Muuse
Suldaan Siciid Garaase

Culimaa’udiinka

Shiikh Yusuf Adam Kowneyn oo 45 sano ka badan ay saaxiib ahaayeen Shiikh Cabdulqaadir Nuur faarax, waxaana Shiikh Yusuf ka yimid Hargeysa
Shiikh Cabdinaasir Xaaji Daaci fadhigiisu yahay Laas-caanood
Shiikh Daahir Aw-cabdi Daaci fadhigiisu yahay Bosaso
Shiikh Bashiir Axmed Salaad Ra’sika Majmaca Culimadda Soomaaliyeeed
Shiikh Axmed Cabdisamad madaxa fulinta jamaacada al-Ictisaam
Shiikh Nuur Baaruud Gurxan kuxigeenka ra’iiska Majmaca culimadda Soomaaliyeed

Khudabadaha ayaa u badnaa taariikhda Shiikh Cabdulqaadir iyo canbaareyn iyo habaar dusha looga tuuraya kooxda al-Shabaab oo lagu eedeeyey in ay soo maleegeen dilka Shiikha.

 

Dilka Shiikha waxaa lagu eedeeyey al-Shabaab, War rasmi ah oo ka soo baxay jamaacada al-Ictisaam Bilkitaab Wa sunnah ayaa lagu sheegay in ay si caddaan ah u sheegayaan in al-Shabaab ka danbeeyey dilka Shiikha, waxaana kus axiixan Shiikh Axmed Cabdisamad oo ah madaxa fulinta jamaacada al-Ictisaam.

Ninka dilka Shiikha loo haysto ee Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac ayaa ah nin caan ah oo la yaqaan si weyna looga aqoon jirey magaalada Laas-caanood,waxana dadku ku tilmaameen in uu xubin ka ahaa Amniyaadka al-Shabaab, Shiikh Axmed Cabdisamad ayaa ka sheekeeyey qaabka loo qabtey ninka dilka geystey,waxa uu sheegay in warar is khilaafsan warbaahinta la geliyey, Shiikha wiilkiisa ayaa gadaashiisa ku tukanayey marka la diley, waan ku boodey intaan dhulka ku dhicin Shiikhu waan qabtey ayuu yiri, Ninka wax diley waa nin la yaqaan dad hebel iyo hebel loo yaqaan ayuu Puntland ugu diley waa nin 4 jeer dagaallo ku soo dhaawacmey, qofkastana garanayo ayuu yiri Axmed Cabdisamad, waa nin dagaalmey oo laba khasnadood ka dhamaatey saddex qof dhaawacay, bombana ku ridey dadkii eryoonayey ee maaheyn nin meel cidla ah laga qabtey.

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.