Shiikh Cabdulqaadir Nuur oo Aas-Qaran loogu qabanayo Garowe

Updated About:1 year ago
0

Aaska Shiikha Cabdulqaadir AUN, waxaa kasoo qeyb galaya in badan oo kamid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobalo badan oo kamid ah dhulka Soomaalidu degto, waxaa sidoo kale la filayaa inay Madaxda sare ee dowlada iyo Issimada ay ka qeyb galaan aaska Shiikh Cabdulqaadir oo salaada duhur kadib lagu aasi doono magaalada Garowe.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa shalay waxaa lagu dilay masaajidka Bader ee ku yaal xaafadda Hodan ee magaalada Garowe, waxaana dilay wiil yar oo ku hubeysan bistoolad iyo bambaano oo shiikh xabad ku furay xili uu salaada ku jiray rakacadii 3aad xili uu shiikha rakuucsanaa.

Gacan-ku-dhiiglaha ayey gacanta ku dhigeen shacabka waxaana hada gacanta ku haya ciidamada Amniga. Wiilkan ayaa markii la qabanayey waxa uu xabado iyo bambaano uu ku riday shacabkii soo qabanayey kuna dhaawacay 4 qof oo mid kamid ah shacabkaasi uu soo gaaray dhaawac culus.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka la qabtay uu adeegayey kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab.

Dilka Shiikh Cabdulqaadir ayaa si weyn looga naxay guud ahaan ummada Soomaaliyeed oo si weyn ugu tiqiinay Shiikha dadaalkii iyo halgankii dheeraa ee u galay xaga fidinta cilmiga diinta Islaamka ee dhulka Soomaalidu degto gaar ahaan Puntland.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee ayaa lagu xasuustaa sida weyn uu shacabka uga digi jiray kooxaha magaca diinta isticmaala una adeegsada daadinta dhiiga ummada Islaamka ah ee Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo Barnaamijkii ka baxay qaar kamid ah Warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan Telefishinka Somali Channel oo ay xalay ka qeyb qaateen in badan oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo xalay si toos ah loo daawanayey.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.