Is reeb reebka Koobka Africa oo soo gaba gaboobay

Updated About:1 year ago
0

Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyey ciyaaraha loogu soo baxayey koobka Qaramada Africa ee sanadka danbe lagu qaban doono dalka South Africa.

Cameroon ayaa u baahneyd in ay ku badiso 2-0 si ay usoo gudubto laakin taasi maysan dhicin, oo waxaa booskeeda soo baxday dalka aadka u yar ee Jasiirada Cape Verde.

Inkasta uu Samuel Eto’o’s xulka kusoo laabtay hadana waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay Cameroon taasi oo laakin guul u aheyd Jazeerada Cape Verde.

Farxada kaliyah ee Cameroon ayaa aheyd goolasha ay ku badiyeen oo uu dhalaiyey wiil 16-sano jir ah oo lagu magacaabo Fabrice Olinga, laacibkaan ayaa ka mid ah ciyaartooy ku tababartay ururu uu leeyahay Samuel Eto’o oo tababaro siiya dhalinyarada soo koreysa.

Cote d’Ivoire ayaa mar hore lagu daray dalalka soo baxay kadib marki kulanki ay la ciyaartay Senegal loo joojiyey rabshado aawgood, laakin xiriirka kubada cakta Africa wali go,aan kama uusan qaadan.

Ethiopia ayaa usoo baxday marki ugu horeysay tan iyo sanadki 1982, marki ay 2-0 ku garaacday dalka ay dariska yihiin ee Sudan, isku goolal ayey noqdeen laakin nidaamka kala goolasha la isaga dhaliyo guryaha ayey ku hartay Sudan, halka Niger ay 2-0 ku reebtay Guinea ciyaar ka dhacday magaalada Niamey.

Burkina Faso ayaa u baahnaatay gool uu aakhirki u saxiixay Alain Traore taasi oo ay uga adkaadeen xulka Jamhuuriyada Africada Dhexe 3-1.

Emmanuel Adebayor ayaa siiyey goolki kala sooca ahaa ee ay Togo ku garaacday Gabon 3-2, halka gooldhaliyihi hore ee Manchester United Manucho uu noqday geesiga Angola’ marki uu laba gool u dhaliyey ciyaarti ay Zimbabwe ku cuneen 2-0.

DR Congo layaa 2-1 ku lumisiyey Equatorial Guinea marki hore, laakin waxay si raaxa leh ugu soo baxday cel celiska ciyaarta labadeeda is arag 5-2, xulka Algeria ayaa 2-0 isaga reebay dalka ay kasoo wada jeedaan Waqooyiga Africa ee Lipya.

Ghana, Mali, Morocco, Nigeria, Tunisia, iyo dalka difaacanaya tartanka ee Zambia, dhamaantood Sabtidi ay soo baxeen.

Hadaba iyadoo dhamaan xulalki loo baahnaa ay soo baxeen, ayaa waxa dalalka soo gudbay ay noqonayaan sidaan:

South Africa, Zambia, DR Congo, Ethiopia, Nigeria, Niger, Ghana, Mali, Togo, Burkina Faso, Angola, Cape Verde, Algeria, Morocco iyo Tunisia.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.